E-mail: info@lgisomaliland.org
Local Government Institute - LGI Somaliland > Media > Uncategorized > Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane .Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta is rasmi ah usoo afmeeray Tababar mudo 4 cisho ah uga socday xilibaanadi cusbaa ee dhawaan la soo doortey Hotel maansoor ee magalada Hargaysa
  • Uncategorized
  • No Comments

Tababarkas muddada 4 cisho ah socday ayaa waxa so qabanqaabiyey .Machadka Tababarka Dowlada Hoose ee LGI oo kaashanaya wasaarada Arimaha Gudaha iyo Hayadaha UN-JPLG.

Tababarkaas ayaa waxa mudanayaasha Cusub lagu baray shuruucaha iyo qaab dhismeedka dawladaha Hoose iyo sida uu u shaqeeyo Nidaamka Maamul daadajinta ee loo yaqaan JPLG.

Ugu horayn Maayarka Caasmida Hargaysa Mudane Abdikariim Axmed Mooge ayaa kusoo dhaweeyey xilibaanada cusub ee ka yimid degmooyinka Gabiley ,salaxley ,baligubadle iyo Barbara.sheegayna inay kuso dhawaadan Caasimadooda oo nabad galyo ah , ALLENA uga baryey inay nabadgalyo iyo caafimad qab ku gaadhan magaloyinkogii.

Waxa kale oo ka so qabygalay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jamuuriyada Somaliland Mudane Sacad Cali shire. isago xilibaanada cusub kula dardaarmay ALLE ka cabsi iyo  inay udhabar adaygaan shaqada Adag ee  utaala,sidoo kalena ay dadkooga ucadaalad sameeyan iyo inay yeeshan himilo iyo han fog si ay ugaadhaan halka aya higsanayaan.

Author:

Leave a Reply