E-mail: info@lgisomaliland.org
Local Government Institute - LGI Somaliland > Media > Uncategorized > Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Iyo Machadka Dawladdaha Hoose oo Kaashanaya Hay’addaha ka shaqeeya Mashruuca #UNJPLG, Ayaa Maanta Daah-furay Qaybtii Saddexaad ee tababrka Goloyaasha degaanka ee dhawaan la so doortey oo ka furmay magalada burco
  • Uncategorized
  • No Comments

Tababarka Goleyaasha Deegaanka oo hore Hargeysa loogu soo qabtay qaybtiisii koowaad iyo Boorama oo qaybtiisii Labaad lagu qabtay. Tabobarkan oo La siinayo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Burco, Oodwayne, Caynabo, Sheekh, iyo Buuhoodle ee Dhawaan La Doortay, Kaas Oo ka Furmay Magaalada Burco. Waxaana si rasmi u furay #Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta, Somaliland, Mudane Cabdirashid Ducaale Qambi waxaa ku wehelinayay Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane #Naasir_Caydiid, Badhasaabada Goballada Togdheer, Daad-maadheedh, Saraar iyo Buuhoodle Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Machadka Dawladaha hoose (LGI) iyo Masuuliyiinta Mashruuca #UNJPLG.

Tabobarkan oo socon doona mudo 4 cisho ah ayaa lagu barandoona Dhinacyada:
– Maamul Wanaaga
– Maamul Daadajinta
– Samaynta Xeer Hoosaadyada
– Barashada Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xr. Lr.23/2019.
– Xidhiidhka Dawlada Dhexe iyo Dawladaha Hoose.
Author:

Leave a Reply