E-mail: info@lgisomaliland.org
Local Government Institute - LGI Somaliland > Media > Uncategorized > Burco:- Waxa maanta si rasmi ah loo soo gabogabeeyay wajigii sadexaad ee tabobarka goleyaasha degaanka 4-ta dagmo ee Burco, Buuhoodle, Oodwayne iyo Caynabo oo mudo afar maalmood ah ka soconayay xarunta gobolka Tagdheer ee Burco.
  • Uncategorized
  • No Comments

Tababrkan ayaa waxa ka qaybgalay dhamaanba goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Burco, Oodwayne, Caynabo, Buuhoodle iyo Sheekh ee dhowaan la so doortay,badhasaabada goballada Togdheer, Daad-maadheedh, Saraar iyo Buuhoodle,agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha,agaasimaha mac-hadka dawladaha hoose Local Government Institute – LGI iyo Masuuliyiinta Mashruuca #UNJPLG.


Tabobarkan oo socdey muddo 4 maalmood ah ayaa waxa si xeel dheer lo faaqiday  Dhinacyada:
– Maamul Wanaagga,
– Maamul Daadajinta,
– Samaynta Xeer Hoosaadyada,
– Barashada Xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xr. Lr.23/2019.
– Xidhiidhka Dawlada Dhexe iyo Dawladaha Hoose.

Author:

Leave a Reply