E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL,Mudane Cabdirishiid Xirsi Cali Oo uu Wahelinayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Dibada Maxamed Cabdillahi Ducaale iyo Agaasimaha Mac-hadka Shaqaalaha Dawladaha Mudane iid Muuse Muxumed iyo Madax da Sare Ee Mashruuca JPLG, ayaa Maanta soo xidhay tobabar u socday 4 maalmood qaar ka mid ah hawl- wadeenada Dawladaha Hoose ee Dalka .

Tobobarkano ayaa waxa kaso qayb galey Agasimayasha waaxyaha Maamulka Qorshaynta Xisaabaadka iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladaha Hoose.

Ugu horreyntii waxa Madashani ka Hadley Agaasimaha Mac-hadka Dawladaha Hoose “LGI” Mudane Eid Muuse Muxumed aya ku dhiirigeliyey kaso qayb galayaashi Tobobarkani in aqoontii ay halkani Mudada 4 Maalmood ah ku qaadanayeen ka Muuqato Xafiisyada ay ka hawl galayaan.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane ayaa ku hambalyeeyey Masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Gudaha sida ay uga go’an tahay sidii aqoonta Masuuliyiinta Dawladaha Hoose ee Dalka kor loogu qaadi lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdirashiid Xirsi Cali ayaa sheegy in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in la kobciyo Aqoonta iyo Xirfada Saraakiisha Dawladaha hoose si ay u helaan shacbiga ay u adeegayani shaqo Hufan oo raali Galisa kana muuqata Goobaha shaqada ee ay ugu adeegayaan bulshada JSL.

Author: amiin

Leave a Reply