E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Hargeisa( Jamhuriyada Somaliland): Macadka dawladaha hoose ee dalka ayaa tababar u soo xidhay qaar kamida shaqaalaha dawladaha hoose ee Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley, boorama, saylac iyo oodwayne.

Barkhad oo ku hadlayay afka shaqaalaha tababar qaatay oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in aqoon ay ka faa’iideen mudadii sadexda cisho ahayd ee ay tababarka ay ku jireen.

Yuusuf Cismaan garas iyo xasan Cabdi madar oo ahaa Macallimiinta tababarka bixnaayay waxaa ay kula dardaarmeen casharadda ah halkan ka barteen inay ku dabaqaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Agaasimaha Macadka dawladaha hoose ee dalka Iid Muuse Muxumed , Maxamed Xuseen, oo ka  socday Haayadda UNICEF iyo Cunar Iid Qolonbi agaasimaha macadka shaqaalaha dawlada waxaa ay ka hadleen, in tababarkanu uu yahay mid lagu horumarinayo shaqaalaha dawladaha hoosee dalka.

Gabagabadii munaasibadan waxaa shahaadooyin lagudoinsiiyay dhammaan shaqaalihii dhamaystay tababarka mudada 3 cisho socday.

Author: amiin

Leave a Reply