E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Machadka dowladaha hoose ayaa magalooyinka gabiley,Borama,Berbera,Burco iyo Hargiesa ku qabtey kulan ay isugu yimaadeen dowladaha hoose ee gabiley,Borama,Berbera,Burco iyo Hargiesa. Waxana kaso qaybgalay isuduwayasha wasarada waxbarshada ee Magaloyinkas iyo gudiyada dugisyada iyo xarumaha caafimad(MCH)  Shirkan ayey ujeedadisu ahayd sidii loo horumarin lahaa Mashruuca Nidaamka Baahiyaha adeega Bulshada ( Community Score-Card Project)

Shirkan ayaa waxan lagu lafo guray sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka sidoo kale

gudiyada dugisyada iyo xarumaha caafimad(MCH) ee dhamaanba Magaloyinkas ayaa suaalo waydiiyey Masuuliyinta kasocday dowalaha hoose iyo Isuduwayasha caafimadka iyo cabashooyinka aya qabeen xarumaha waxarashada hadii ay tahy Nadaafad dugsiga,biyaha laydhka iyo sido kale xarumaha caafimad sida loogu fuliyo adeegyda caafimaad ee ay bulshadu ubahantahy, in laga helo dawooyinka iyo sido kale in shaqalaha caafimadku ay ugu adeegan si hufan oo wanaagsan.

 

Masuuliyinta ka socday Dowlaha hose gaar ahan xafiiska arimaha bulshada iyo Isuwayasha gobolada ee caafimadka ayaa si hufan uga jawaabay suaalihi ay halka ku waydiiyeen gudiyada waxbarshada iyo caafimaadka.

sidoo kale waxa la diiwangaliyey Gudiyo cusub ee kusoo biiri doonta gudiyadii hore ushaqaynayey laguna tababaray sida ay ugu soo jawabayaan fariimaha kuso dhici doona tilefoonada Axada Bil walba udanbaysa ,waxan lagu dhiiri galiyey inay uga so jawabaan si wanagsan oo daacadnimo ku jirto ilaalinaya waqtiga ay fariintu so dhacayso.

Ugu Madaxda Mashrucan ayaa tilmaamay in hadii mashruucani guulayso uu faaidooyinka ay dhaxlayan caruurteena iyo Hooyinka loogu adeego xarumaha caafimaad.

Author: amiin

Leave a Reply