E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Waxa Maanta ka Qabsoomay Magaalada Hargeisa, Kulanka Wada-tashiga Qabyo-qoraalka Hagaha Maaliyadeed ee adeegyada Maamuldaadajinta Waxbarashada iyo Caafimaadka. kulankan wadatashi waxa kasoo qayb-galay Xoghayayaasha Fulinta, Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley, Boorama, Sheekh, Saylac iyo Oodwayne.

Ugu horayn waxa kulanka furay,faafahina ka bixiyey Agaasimaha Machadka Dowladaha Hoose Iid Muuse shegayna inu kulanku ubadnan doono wadatashiga Hagaha maaliyadeed gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarshada.

Xoghayaha dowalda Hoose ee hargiesa iyo C.raxmaan iidle oo kasocday hayada UNICEF ayaa iyagun si fican uga waramay Muhiimada Kulankan.

Ugu danbayn Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada ayaa xusay inay diyaar uyihiin inay kaalintooda ka qaataan nidaamka maamul daadajinta maaliyada ee adeegyada waxbarshada, sidoo kale sheegay inay diyaar uyihiin inay wareejiyaan lacagta wasaarada laso  mariyo ee ay  degmooyinku leeyihiin inay wareejiyaan.

Author: amiin

Leave a Reply