E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Machadka dowladaha hoose ayaa qabtey kulanki saddex bilood le ah ee mashruuca Baahiyaha Adeega Bulshada (Community Score Card Project), oo ay isagu yimadan gudiyada dugsiyada iyo MCH,halkas oo ay kuso gudbiyaan waribixintii saddex biloodle ah.

Mashruucan ayaa waxa iska kaashada Machadka Dowladaha Hoose iyo Hayada Unicef oo ka taageerta dhinaca dhaqaalaha.

kulankan oo ka mid ahaa kulanada saddex bilood le ah oo lagu qabtey hotel Emperial ee magalada hargiesa, ayaa waxa kaso qaybgalay dhamaanba gudiyada dugsiyada iyo MCH magalada hargiesa taso lagaga wadatashaday caqabadaha ay la kulmeen mudadii saddexda bilood ahayad iyo soo jeedinta gudida ee ku saabsan sidii loo sixi lahaa qaladaadka.

kulanka ayaa waxa hogaaminayey masuulyiinta kasa socota machadka dowladaha hoose iyo shaqaalaha mashruucan ee dhinaca farsamada.

 

Author: amiin

Leave a Reply