E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments
Mac-hadka Dawladaha Hoose (LGI) ayaa maanta Tabobarka Maamulka iyo Maareynta Xafiisyada (Office Administration and Management), iyo Maamulka Cududa Shaqaalaha (Human Resource Management) Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, Gabiley iyo Saylac uga furay magaalada Boorama, Tabobarkan oo socon doonaa mudo 6 maalmood ah ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka Sare ee Machadka oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta Iyo Mohamoud Omer Hussein oo ka socday Hay’ada #UNDP oo qayb ka ah Mashruuca Maamul daadajinta ee #UNJPLG
.
Tabobarkan oo loogu talogalay inuu ka caawiyo oo uu ku hago shaqaalaha degmooyinka sidii ay doorarkooda shaqo ee maalinlaha ah ugu fulin lahaayeen si hufan, iyadoo awoodda la saarayo daahfurnaanta iyo la xisaabtanka nidaamyada shaqada.
Sidoo kale waxa ay baran doonaan habraacyo, foomam iyo qaabab loo isticmaali karo fulinta geedi-socodyada muhiimka ah ee maamulka iyo maareynta xafiiska, sida maamulida hantida xafiiska, keydinta haboon ee alaabaha, codsashada iyo ogolaanshaha safarada shaqada degmada, maamulida gaadiidka iyo shidaalka, iibka xafiiska, iyo abuurista nidaamka faylasha loo keydiyo iyo waxyaabo kale.
Mayorka Magaalada Hargeysa Ahna Gudoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose, #Abdikarim_Ahmed_Mooge ayaa si rasmi ah u furay tabobarka isaga oo ka qayb-galayaasha kula dardaarmay inay si wanaagsan uuga faa’iidaystaan mudada uu socda tabobarkan.
Author: amiin

Leave a Reply