Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay heshiiska dhamaystirka mashruuca maamul daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga ah ee Degmooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley oo maanta lagu qabtay Xarunta Machadka Dawladaha hoose ee Hargeysa.