E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa Saaka Booqasho iyo kormeer ku yimid Xarunta Ma-chadka Dawladaha Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa dhammaan soo kormeeray dhismaha casriga ee lagu tabarayo Dawladda Hoose, kaasoo wax wayn ka bedeli doona aqoonta iyo xirfadaha Shaqaalaha Dawladaha Hoose ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Fulinta Ma-chadka, Mudane Iid Muuse Muxumed ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ku soo dhoweeyey dhismaha Ma-chadka isaga oo sharaxaad ka siiyey Wasiirka qorshahaasha sanadkan u dajisan Machadka.

Author: amiin

Leave a Reply