E-mail: info@lgisomaliland.org
  • amiin
  • Uncategorized
  • No Comments

lyada oo aanu ka duulayno dedaaladda lagu dardargelinayo shaqooyinka uu Mac’hadka Dawladaha Hoose ee JSL u hayo dawladaha hoose ee ku aadan tayeynta aqoonta & xirfadda shaqaalaha Dawladaha Hoose, dib-u-habeynta & casriyeynta shaqada shaqaalaha Dawladaha Hoose iyo abuurista awood cudud shaqaale oo la tayo ah ta Dawladaha Hoose ee dalalka aynu jaarka nahay iyo caalamkaba. Waxa maalintii shalay ahayd Machadku diray khubaro iyaga oo shaqada ka bilaabay Dowladda Hoose Degmada Gabiley, sidoo kalena maanta ka shaqeeyay Dawladda Hoose Ee Boorama, kulmada oo ay ujeedadoodu ahayd kulamo xog-ogaansho, xog-kaydin iyo wax-ka-qabasho ah baahiyaha aqooneed iyo xirfadeed ee dawladihiina hoose, kulamadaas o hordhac u ah barnaamijyo taxane ah oo si toos ah loogu tayeynaayo aqoonta shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka.

Author: amiin

Leave a Reply