Tababarkas muddada 4 cisho ah socday ayaa waxa so qabanqaabiyey .Machadka Tababarka Dowlada Hoose ee LGI oo kaashanaya wasaarada Arimaha Gudaha iyo Hayadaha UN-JPLG.
Tababarkaas ayaa waxa mudanayaasha Cusub lagu baray shuruucaha iyo qaab dhismeedka dawladaha Hoose iyo sida uu u shaqeeyo Nidaamka Maamul daadajinta ee loo yaqaan JPLG.
Ugu horayn Maayarka Caasmida Hargaysa Mudane Abdikariim Axmed Mooge ayaa kusoo dhaweeyey xilibaanada cusub ee ka yimid degmooyinka Gabiley ,salaxley ,baligubadle iyo Barbara.sheegayna inay kuso dhawaadan Caasimadooda oo nabad galyo ah , ALLENA uga baryey inay nabadgalyo iyo caafimad qab ku gaadhan magaloyinkogii.
Waxa kale oo ka so qabygalay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jamuuriyada Somaliland Mudane Sacad Cali shire. isago xilibaanada cusub kula dardaarmay ALLE ka cabsi iyo inay udhabar adaygaan shaqada Adag ee utaala,sidoo kalena ay dadkooga ucadaalad sameeyan iyo inay yeeshan himilo iyo han fog si ay ugaadhaan halka aya higsanayaan.